Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda Az-zalzalah: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 99 ee Masxafka, 8 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 599.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-bayinahSuuradda Al-caadiyaat ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Marka arlada la gilgilo gilgilashadeeda daran (Qiyaamada).

2. Oo arladu soo bixiso culeysyadeeda (wixii ku aasnaa),

3. Aadmigu yidhaahdo: Maxay leedahay?

4. Maalintaas waxay ka warrami akhbaarteeda.

5. Inuu Rabbigaa u waxyooday darteed.

6. Maalintaas dadku wuxuu u soo dareeri rac rac si loo tusiyo 'jazaha' acmaashooda.

7. Ee qofkii fala samaan le’eg saxar wuu arki,

8. Qofkii falana xumaan le’eg saxar wuu arki.

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-bayinahSuuradda Al-caadiyaat ›