Suuradda 97 ee Masxafka, 5 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 598.
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1. Waxaanu xaqiiq soo dejinnay (Qur’aanka) habeenka Qadarka.
2. Maxaa ku ogeysiiyey wuxuu habeenka Qadarku yahay?
3. Habeenka Qadarku wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood [1].
[1] 83 sano iyo afar bilood, waa camalka iyo cibaadeysiga habeenkaa.
4. Malaa’igta iyo Jabriil baa la soo dega (habeenkaa) Idanka Rabbigood arrin walba oo xukun ah,
5. Nabad weeye (habeenkaa) ilaa waagu ka baryo [1].
[1] Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Ka doondoona layaltul Qadarka tirooyinka is dheer ee tobanka habeenood ee u dambeeya Ramadaanka.
Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)
Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.