Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda Al-aclaa: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 87 ee Masxafka, 19 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 591.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Ad-daariqSuuradda Al-qaashiyah ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Xurmo weynee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa ee Sarreeya.

2. Ee abuuray (uunka) oo ekeeyey.

3. Ee ah Kan wax walba qaddaray, ee hagay.

4. Ee ah Kan soo saara daaqa.

5. Ka dhiga markaas kaddib caws engagan oo madow.

6. Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,

7. Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu xaqiiq Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.

8. Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka).

9. Ee waani, markay wax tari waanadu.

10. Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle).

11. Waxaana ka fogaan 'waanada' qofka xun.

12. Kaasoo geli Naar weyn oo ku guban.

13. Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn.

14. Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida).

15. Oo xusa Magaca Rabbigi oo tukada.

16. Waxaadse door biddaan nolosha adduunkan;

17. Aakhiro baase khayr badan oo baaqi ah.

18. Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,

19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse.

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Ad-daariqSuuradda Al-qaashiyah ›